Madaxweyne Muuse Biixi oo xubnaha cusub ee guddiga Doorashooyinka Somaliland u gudbiyay Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan

11 June 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta xubnaha cusub ee guddiga Doorashooyinka Somaliland u gudbiyay Golaha Wakiillada Somaliland si ay u ansixiyaan.

Xubnaha ee madaxweynuhu golaha u gudbiyey ayaa kala ah, iyadoo loo soo kala magacaabay:

1. Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha Somaliland

2. Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha Somaliland

3. Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha Somaliland

4. Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida

5. Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida

6. Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI

7. Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID

About The Author