Fahad Yasin oo Taliyaha NISA ku eedeeyey inuu yahay Alshabaab

12 June 2022 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo waraysiyo siiyey Gaylan Media ayaa qaybtii maanta eedayn aad u culus u Taliyaha cusub eeNISA Mahad Salaad.

Fahad Yasin ayaa sheegay inuu Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad caddayn u hayo inuu yahay Alshabaab una shaqeeyo.

Sidoo kale wuxuu tiriyey Qaraxyo badan oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay uu sheegay inuu ka dambeeyey mahad Salad.

WQaraxyada uu sheegay inuu Mahad salad ka dambeeyyey ayaa waxa ka mid ah kii dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagu qarxiyey goob uu booqanyey Raiisul wasaaraha Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen rag badan oo isugu jira Saraakiil ciidan madax kale.

Fahad Yasin ayaa wuxuu markhaati gashtay inuu warbin ah inuu Alshabaab yahay Mahad Salad inuu siiyey RW Rooble markii uu xilka qabtay isagoo booqanayey xarunta Hay´adda NISA.

About The Author