Wasiir Bayle oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka

25 June 2022 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka gaar ahaan qeybta qaabilsan dambiyada lidka ku ah maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.

Wasiirka ayaa looga yeeray Xafiiska maalinta isniinta ee ku beegan 27ka bishaan ay ku jirno ee June, si suaalo looga waydiiyo baarista uu Xafiidska ku wado wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

About The Author