Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo munaasabadda 26-juun ubax dhigay taalada Dhagax-tuur
26 June 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa munaasabadda 26-juun awgeed ubax dhigay taalada dhagax-tuur, oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Guddoomiyaha Gobolka Banadir, iyo gudiga qaban-qaabada munaasabadda.
Guddoomiyaha ayaa markale 62 sano ka dib ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay halgankii dheera ee loo soo maray gobonimo doonkii dalka looga xorreeyey gumeystihii heystay gobolada waqooyi ee dalkenna, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed labada gobol ugu baaqay is jaceyl iyo in markale dib loo midoobo.